Khiyaanada Qarniga: Sida Mareylkanka & Imaaraatka ay khaarijinta Jabuuti isula qorsheeyeen (Qeybti 5-aad)

Halkan ka aqri qeybihii hore.

Xilligaas nidaamka Asiyaas Afawarqe waxa uu ahaa mid aad u danaynayay isu soo dhowaanshaha Maraykanka, waxa uuna wax gashaday in uu shaqaaleeyo loobiyada culays saarka, sida shikadda qarreenada ee Greenberg Traoreg ee ku xidhnayd xilligaa hogaamiyaha kongarayska Tom DeLay si loogu ololeeyo in Eratariya ay marti galiso saldhig millateri oo Maraykan ah si uu uga faa’iidaysto bugcada istiraatiijiga ah duulaanka soo ifbaxaya ee Ciraaq lagu qaadayay, iyada oo Maraykan kuna ay ka hor imaanayso mucaaradad xoog badan ee ka soo horjeeda dagaalka Ciraaq badankeeduna ay ka imaanaysay dowladaha daris ka la ah, xitaa Dowladda Jabuuti oo hadda martigalisay saldhigga Maraykanku uu ku leeyahay Afrika.

Afawarqe kama uusan guulaysanin shukaansigiisii Washington oo iyada siyaasadeedu ahayd dayrinta Eratariya, taas oo meeshii ugu saraysay gaadhay sanadkii 2009-kii markii ay ku guulaysatay safiiraddii Maraykanka u fadhiday Qaramada Midoobay “Suzan Rice” in Golaha Ammaanku uu ku soo rogo Eratariya cunaqabataynno iyada oo ay ugu wacan tahay taageerada ay siiso Eratariya argagixisada Soomaaliya, mowqifkaas oo uu wali Maraykanku ku taagan yahay xitaa bilo yar kahor markii ay daldaloollo ka soo baxeen xiriirka Maraykanka iyo Jabuuti cabsida uu Maraykanku ka qabo dhaqdhaqaaqyada Shiinaha ee saa’idka ah ee qaaradda Afrika.

Wali way jirtaa cabsida uu millatariga Maraykanku ka qabo isballaarinta Shiinaha, taas oo keentay in Maraykanku uu isbadal qoto dheer ku sameeyo kharriidadda kala horraynta istiraatiijiga ah ee uu ka leeyahay Afrika, isaga oo istiraatiijiyaddiisa cusub ee difaaca qaranka meel sare ka galiyay Shiinaha iyo Ruushka, istiraatiijiyaddaas oo uu shaaca ka qaaday sanadkii 2018-kii, waana calaamaddii ugu dambaysay oo muujinaysa in uu badalay muhiimadihiisa in ka badan 15 sano kaddib oo uu xoogga saarayay la dagaalanka argagixisada.

Markii uu soo bandhigayay istiraatiijiyadda cusub ee uu ku xadidayay kala horraynta Pentagon-ka ee sanadaha soo socda, waxa uu ku tilmaamay wasiirka gaashaandhigga Jim Matis Shiinaha iyo Ruushka in ay yihiin dib u socodka ugu wayn oo ka shaqaynaya in ay abuuraan duni sidooda oo kale kali talis ah, inkasta oo Matis uu ku dadaalay in uu adkeeyo in la dagaalan ka argagixisadu uu ugu horreeya ajandaha Maraykanka, haddana waxa uu adkeeyay in suldada iyo awooddu ay yihiin waxa ugu horeeya ajandaha Maraykanka.

Xilligaas Washington cabsi wayn ayay ka dareemaysay in Jabuuti xaruntii konteenarrada ee Dooraale ay ku wareejisay shirkado Shiinays ah, kaddib markii ay ka soo ceshatay shirkadda Dakadaha Dubay, gaar ahaan markii ay Jabuuti la gashay heshiis dakad ballaarin ah shirka laga leeyahay Singabuur oo shirko la ah shirkado badan oo dowladda Shiinuhu leedahay, oo ay ugu muhiimsan tahay kooxda ganacdata Shiinayska ah oo runtii leh qaybta ugu badan ee dakadda.

Maraykankuna wuxuu si cad uga digay in qabsashada Shiinaha ee dakadda ay khatar ku tahay amniga qoowmiga Maraykanka, inkasta oo madaxda Jabuuti ay gaarsiinayeen Washington in aysan marna niyaysnayn in ay dakadda ku wareejiyaan Shiinaha, haddana Washington waxa ay ka walwalsan tahay in daymaha ku batay Jabuuti ay ku khasbi doonaan in ay ugu dambayn dakaddaasi ku wareejin doonto Bakiin, waana arrinta keentay in dadka qaar ay dhahaan Maraykanka waxaa u fiican in saldhiggiisa Afrika uu u raro waddan kale.

Si sahal ahna waxaa loo dhihi karaa in Eratariya ay noqon karto waddanka ugu horreeya ee ku guulaysan kara ajandaha cusub ee Maraykanka, Jabuutina ay noqon karto cidda ugu horraysa ee ku khasaartay, dhaqan galka heshiiska Itoobiya iyo Eratariya ayaa u ekaysiinaya Xukuumadda Geelle in ay kado ku noqotay isbahaysiyada goboleed ee cusub kuwaas oo Jabuuti ku haya cabsi ah in ay waydo lacagihii canshuuraha ahaa ee ay ka heli jirtay ganacsiga, iyo sidoo kale in dib u habayntan cusub ay saamayn ku yeelan karto kaalintii muuqatay ee dakadda Jabuuti ay ku lahayd Geeska Afrika.

Sanado badan ayay Jabuuti tartan la’aan ku haysatay, iyada oo ay ugu wacnayd colaadda ka dhexaysay Itoobiya iyo Eratariya iyo go’doonka uu adduunku galiyay midda dambe, waana midda keentay in Itoobiya iyo Jabuuti ay lahaadaan xiriir siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo xooggan, gaar ahaan markii dagaal dhanka xuduudda ah uu ka dhex qarxay Itoobiya iyo Eratariya 1998 dii, Itoobiyana ay wayday dakadda Eratariya, taas oo abuurtay dhibaato su’aal gelisay jiritaanka Itoobiya khasabna kaga dhigtay in ay gabi ahaanba ku tiirsanaato Jabuuti.

Waddan ay dadkiisu ka yar yihiin hal malyan oo ruux, in uu sanad walba ka helo $1,500, 000,000 waxyaabaha ay soo dajisanayso ama ay dhoofsanayso dowladda ay dariska ay yihiin ayaa ah qaybta ugu badan ee dakhliga ajnabiga ah ee Jabuuti soo gala.
Laakiiin dakadaha Jabuuti waxa ay wajihi doonaan tartan xoog leh oo uga imaan doona dakadaha Eratariya oo qaarkood ay ku yaalaan meelo aad u fiican kuwaas oo lahaanna kara wax aysan lahayn Jabuuti.

Intaana waxaa sii dheer diyaar garoowga wayn ee ay muujisay Abuu Dabay ee ah in ay maal galinayso kaabayaal cusub oo isku xira Itoobiya iyo dakadaha Eratariya iyo Soomaaliya si ay ugu dhigmaan mashaariicda waawayn ee horay loogu dhisay si ay isugu xiraan Adis Ababa iyo dakadda Jabuuti, oo uu ugu horreeyo mashruuca khadka tareenka ee isku xira Adis Ababa iyo dakadda Jabuuti oo uu Shiinuhu ku maal galinayo $3,500,000,000, tuubada shidaalka qaadda ee ay maal galinayso Imaaraadku iskuna xiri doonta Casab iyo Adis Ababa ayaa noqonaya musbaarkii ugu dambeeyay ee lagu dhufto naxashka Jabuuti.

Sidoo kale waxaa suurtagal ah in soo jiidashadii Jabuuti ee ciidamada ajnabiga ah ee uu maal gashaday nidaamka Geelle muddo dheer su’aal iyo shaki galiso dib u habayntan cusub ee gobolka ka socota, iyada oo la eegayo xiriirka soo wanaagsanaanaya ee Washington iyo Eratariya, Eratariya aad ayay usoo dhowayn doontaa saldhig Maraykan oo badal ka ah kan uu ku leeyahay Jabuuti ee u dhow kan Shiinaha.

Waxaana suurtagal ah in Washington ay ka faa’iidaysato mowqica istiraatiijiga ah ee Eratariya oo leh xeeb dhan 700 oo mayl oo saaran badda cas, intaana waxaa sii dheer in dowladda Imaaraadka oo olog dhow la ah Washington ay ciidan ahaan u joogto Eratariya.

Sidaa darteed, dib u heshiisiinta Adis Ababa iyo Eratariya ma aha oo kaliya heshiis nabadeed oo caadi ah, waxa ay dhaqaaq dhaqaale oo cusub ka abuuraysaa Geeska Afrika waxa ayna dib u habaynaysaa xirirkii dowladaha, kuwo ayaa soo bixi doona kuwana dib ayay u guran doonaan.

Jabuuti kuma khaldana in ay u aragto dib u heshiisiinta dhex martay Itoobiya iyo Eratariya mid aysan waxba ula hari doonin waloow aysan wax badan ka qaban karin, maxaa yeelay mar kasta oo uu xawli ku socdo heshiisiintoodu iyada oo ay waddo dowladda Imaaraadka Maraykankuna uu gadaal ka riixayo waxaa meesha ka baxaysa waxyaabihii istiraatiijiga ahaa ee Jabuuti ka dhigay mid muhim u ah loollanka.

Xiriir xumada dowladdan yar (Jabuuti) kala dhexeeya dowladaha waawayn ee wada dib u qaabaynta cusub waxa ay muujinaysaa in dheeshii Ismaaciil Cumar Geelle ay gaba-gabo ku dhowdahay, ooggii (iftiin) Jabuutina uu u dhacayo si ka dag-dag badan sidii ay la ahayd dadka intiisa badan.

DHAMAAD….

Waxaa Tarjumay: Dr Maxamed Xasan Nuur, Falanqeeye Siyaasadeed