Xildhibaan Xidig oo qoraal ka diyaariyey miisaaniyada DF iyo muranka maamulada

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa qoraal turxan bixin ah ka sameeyay muranka dhanka miisaaniyadeed ee kadhex aloosan dowlada Somalia iyo Maamul Goboleedyada ka jira dalka.

Xildhibaan Xiddig oo in badan ka tirsan baarlamaanka horay uga soo shaqeeyay Wasaarada Arrimaha Gudaha ayaa xogagaal u ahaa sida ay dowlada Somalia ku bixiso dhaqaalaha loo qoondeyn jiray maamulada.

Xildhibaanka waxa uu qoraalkiisan iminka ku xaqiijiyay in dhaqaalaha ay dowlada siiso maamulada ay ku tagrifaleen Hogaamiyayaasha maamulada taasina ay keentay inay beeniyaan dhaqaalaha lasiiyay.

Waxa uu qoraalkiisa oo uu kusoo daabacay Bogga uu Facebook ku leeyahay ku muujiyay inay hubaal tahay in dhaqaalahaasi ay bixisay dowlada Somali hase yeeshee ay isdabamariyeen Hogaamiyayaasha.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA UU XILDHIBAANKA KA SAMEEYAY MURANKA DF IYO MAAMULADA

Miisaaniyada Federaalka iyo Muranka Maamul Goboledyada:

Markale waxan bulshada u iftiiminaya:

Dhaqaale Dowladed heer Federal iyo mid Maamul Goboled intuu doono Hala ekaado waxaa lagama maarmaan ah inu ku baxo Qorshe Cad oo in la maalgeliyo u baahan haday tahay Mushaar, Guno, Dhismo/Dayactir waxbarasho , Caafimaad, Wadoyin, Gargaar, Dib u heshisin iwm:

Madaxda Maamul Goboledyadu waxay Qirteen inay Wasaarada Maaliyada Federaalka ay siisay lacago AMA tiraday sheegteen ha shaato AMA haka badnaatee waxaa in lays waydiiyo u baahan:

1-Marki lacagahas la qaadayay maxaa loogu talo galay?

2-Kan La siiyay muxu ku Qaatay?

3-Kan siiyay muxuu ku siiyay ma (Sooryaa)?

4-Ma jirtay Mashruuc AMA Qorshe maamuladu keeneen oo Wasarada maaliyadu ku qanacday kadibna la maalgeliyay?

5-Wasaarada maaliyada federaalku masoo hubisay lacagtii ay bixisay in siday ahayd loogu fuliyay howshi loogu talo galay: hadiiba uu jiray wax masharic ah:

6-Lacagahaas ma la mariyay Bank transfer Mana lagu transfer gareyay Accountiga Official ka ee Maamul Goboledka?.

7-Mise inti Boorso lagu guray ayaa xili habeen ah meel madow laysugu dhiibay?

Sida Xaqiiqada ah Madaxda Maamul Goboledyadu waxay Dowlada federaalka ka qaateen lacago farabadan, waxaana hubaal ah inan Madaxda maamul goboledyadu lacagtaas ku fulinin mashaariic Kuna bixinin Ciidamada Amniga ee furimaha ku jira waa sida ay iyaguba qireen inaanay mudo sanad ah wax mushaar ah Qadanin haba yaraatee:

Waxaa hubaal ah hadii Madaxda Maamul Goboledyadu Si aan musuqmaasuq ku jirin u maamuli lahayeen dhaqalaha ay Qirteen inay Dowlada federaalku siisay iyo Dhaqaalaha kaso gala kaabayasha Dhaqaalaha ee deegaanadooda iyo taageerada dhaqaale ee ay ka helaan Heyadaha Caalamiga iyo Dowladaha qaarkood inay ku filaan lahayd Ciidamada iyo Siyaasiyinta la sheegay inaysan Sanad ku dhawaad wax mushaar ah Qaadanin:

Waxaa cad in Madaxda Maamul Goboledyada lacagaha lagu siiyo sida ku qoran qodobka 7aad ee Qoralkeygan, Hadaba madaxda Maamul goboledyadu ma Waxay u qaateen in lacagtani tahay Baad ay dawladu iyaga shakhsiyan u siisay AMA Sooryo saaxibtinimo Ileen wax mashariic ah oo loogu talogalay oo lagula xisaabtamayo ma jirine ?

Hadaba soo ma cada in lacagahas Madaxda Maamul goboleedyadu dano shakhsi ku fushadeen taasina keentay inaan mudo sanad ku dhaw wax mushaar ah lasiinin ciidamada iyo xildhibaanada iwm.

Qoraalada xiga Waxan ku cabiri doonaa waxa khaldan iyo sida loo sixi karo:

Waxan codsanayaa in 7 Qodob ee ah Suaalaha Qoraalkaygan loo helo jawabo qanciya Shacabka Maamul Gobaledyada ee waxa magacooda lagu soo qaaday hadana lala dhinac maray?

Fiiro dheer u lahaada kuwa difaaci doona iyagoo marmarsiiyo u raadinaya?

Waa muhiim inaan iftiimino wixi khaldan federal iyo Maamul goboled midkay doonto ha ahaatee ?

W/Q: Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig