Cabdi Weli Gaas oo jawaab culus ka bixiyey go’aankii iyo eedeyntii JARMALKA

Garowe (Caasimada Online) – Dowladda Puntland ee Cabdi Weli Gaas, ayaa war kasoo sartey go’aankii dowladda Jarmalka ay ku joojisay Mashruucii dhismaha jidka laamiga ah ee isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, qaybtiisa u dhexaysa Jalam iyo Xarfo.

Mashruucii oo mudo dood ka taagnayd qaabka loo hirgelinayo ayaa gebi ahaanba  dowladda Jarmalka isaga baxday mashruuca, kadib markii maamulka Madaxweyne Gaas fulin waayay qodobadii iyo shuruudihii Heshiiska, sida ay sheegeen Jarmalka.

Hay’adda  GIZ, oo dowladda Jarmalka u qaabilsan dhanka horumarinta, islamarkaana usoo xil-saartey fulinta mashruuca dhisamah wadada Xarfo iyo Jalam oo ah mid hawlbowle u ah Puntland ayaa ka baxdey dalka.

War Saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Puntland kaasoo lagaga jawaabayo go’aankii dalka Jarmalka oo wakiil ka ah wadamadii bixiyey dhaqalahan ayaa lagu sheegay inuu ahaa mowqifkaan mid qoomamo iyo shaleyto uu ka muujinayo maamulkaan, iyagoo dalbaday in wadahadal laga sameeyo waxa keenay joojinta.

Sida ku xusan War-saxaafadeedka, maamulka Puntland ayaa Jarmalka ku tilmaamay dal kaalin yar ku lahaa maal-gelinta dhismaha jidka Xarfo iyo Jalam, waxaana uu amaan kala dul-dhacay Midowga Yurub oo dhameystir uga raadinayo mashruuca.

Jarmalka ayaa sabab uga dhigay go’aanka hufnaan la’aan iyo inaysan ku qancin sida howsha loo fulinayay, oo mad-madow iyo musuq-maasuq badan uu ka jiray, sida la sheegay taasoo keentay inay kusoo wadi waayaan mashruuca.

Qoraalkaan Puntland kasoo baxey xilli Madaxweyne Gaas shir aan caadi aheyn oo golihiisa Wasiirda la qaatey todobaadkan, kaasoo kaga warbixiyey go’aankii maamulada xiriirka ugu jareen Dowlada Federaalka ayaa qoraal kasoo baxay lagu sheegey in wadadaan uu maamulkiisa dhisayo, iyadoo aysan waxba yeeleyn joojinta mashruuca ee dowlada Jarmalka.

Gaas ayaa ku sii darey hadalkiisa In tageero dhaqaale dhismaaha jidkaan uga raadin doono bangiga hurumarinta Africa.

Dalka Jarmalka iyo Farnsiisaka ayaa dalalka midowga Yurub waxay ku hogaamiyaan awood dhaqaale iyo mid siyaasadeed, waana kuwa ugu tunka weyn dhan walba.

Dhinaca kale, sida lagu arkey baraha bulshada sawiro ay soo dhigeen tageeraysaha Madaxweyne Gaas In 40-KM oo kamid ah 80km wadada isku xirta tuulooyinka Jalam iyo Xarfo lagu bilaabey in la saaro laami madow, oo aan tayo badan lahayn.

Xigasho: Garowe Online