Madaxda maamullada oo soo saaray qoraal kasii daray xiisaddii DF (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa soo saaray qoraal kasii daraya xiisadda ka dhex oogneyd iyaga iyo madax dowladda federaalka Soomaaliya ee ka dhashay go’aanadii shirka Kismaayo.

War-murtiyeedka ayaa si gaar ah jawaab ugu ah baaqii madaxweyne Farmaajo uu soo saaray kadib shirkii Kismaayo ee uu madaxda dowlad goboleedyada ku casuumay kulan ka dhacaya Villa Somalia, kaasi oo qaarkood ay durba diideen.

Qoraalka ayay maamul goboleedyada ayay shuruudo adag ku xireen inay la heshiiyaan ama ay wada-xaajood la galaan dowladda federaalka, ayaga oo dalbaday, in la helo dhinac saddexaad oo door dhexdhexaadin cayaara, islamarkaana damaanad qaada wax kasta oo ay ku heshiiyaan labada dhinac.

Sidoo kale maamul goboleedyada ayaa diiday inay yimaadaan magaalada Muqdisho, ayaga oo sheegay in sababo amni darteed ay qasab tahay in la isku raaco halka lagu kulmayo.

Halkan hoose ka akhriso war murtiyeedka:-