Ethiopia oo war kasoo saartay ‘in duqeyn cirka ah ku dishay’ 43 qof oo shacab ah

Addis Ababa (Caasimada Online) – Millateriga Ethiopia ayaa iska fogeeyay inay duqeyn cirka ah ku dileen dad shacab ah oo ku sugnaa suuq ku yaala gobolka Tigray, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay ahaayeen dagaalyahano mucaarid ah oo lagu raad-joogay.

Afhayeenka ciidamada difaaca Qaranka Ethiopia, Colonel Getnet Adane oo la hadlay wakaalada Reuters ayaa sheegay “inaysan waxba ka jirin in dad gaaraya afartameeyo qof oo shacab ah ay duqeyn ku dileen,” balse ay ahaayeen dagaalyahano xirnaa dhar shacab.

Duqeynta ay fuliyeen ciidamada Ethiopia oo lagu dilay ugu yaraan 43 qof, ayaa waxa uu hogaanka Millateriga Ethiopia ku doodayaa in duqeyntaas lala beegsaday xoogaga kasoo horjeeda xukuumadda, kuwaasi oo xiligaas ku sugnaa suuq mashquul abdan oo ku yaala magaalada galbeedka ku taal ee Mekelle.

Afhayeenka milatariga wuxuu sheegay in dagaalyahannadu aysan ku sugnayn gudaha suuqa, laakiin ay isugu yimaadeen magaalada si ay u xusaan sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la qarxiyay magaalo kale oo ka tirsan Tigray, Hawzen, 1988, kaasi oo ay geysteen hoggaamiyeyaasha shuuciga ee xilligaas xukumayay Ethiopia, waxaa ku dhintay boqolaal dad ah waxaana si weyn looga xusaa Tigray

Sidoo kale Afhayeenka ciidamada difaaca Qaranka ayaa ku tilmaamay dacaayado been abuur ah oo ay baahisay TPLF in caruur ku dhaawacantay weerarka ay fuliyeen ciidamadooda, hase yeeshe waxaa la rumeysan yahay in weerarkaas ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah iyo caruur, maadama ay saxmad badan ka jirtay suuqa uu ka dhacay.

Weerarada Ethiopia ee aan kala sooca laheyn ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey dalalka Mareykanka iyo Midowga Yurub, halka ay Qaramada Midoobay walaac ka muujisay weeraradaas.

Millateriga Ethiopia ayaa tan iyo bishii November la dagaalamayay xoogag daacada u ah xisbiga Tigray ee People’s Liberation Front (TPLF), oo ahaa xisbigii hore u xukumi jiray gobolka, kuwaasi oo sababay barakaca dad ka badan labo milyan oo qof, ayada oo ay ku la’deen tiro kale oo dad ah.