Dagaal culus oo ka dhacay Biyo Cadde + Khasaaraha

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal u dhexeeyey ciidamada milatariga Soomaaliya iyo dagaalyahanada Al-Shabaab oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Sh/ Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkan uu yimid, kadib kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaaday saldhigaciidamada Xoogga dalka ay ku leeyihiin halkaasi, waxaana xigay dagaal u dhexeeyey labada dhinac, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalkan ay ka qeyb-qaateen ciidamada AMISOM oo madaafiic ku riday raggii weerarka ku soo qaaday deegaanka Biyo Cadde.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan labo askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda ayaa ku dhintay dagaalkaasi, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan.

Dagaalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo todobaad ka hor weerar is-miidaamin ahaa ay kooxda Al-Shabaab ka fulisay Biyo Cadde, kaas oo khasaare lagu gaarsiiyey saraakiil sar sare oo uu ka mid yahay Korneyl Saney Cabdulle oo dhaawiciisa loo qaaday dalka dibadiisa.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab ayaa shaacisay inay la wareegtay deegaanada War-Ciise, Qordheere , kadib markii deegaannadaas ay isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa baahisay in haatan ay maamuleyso gacan ku heynta deegaanadaasi oo dhowaan ay ka dhaceen dagaallo u dhexeeyey labada dhinaca.

Sidoo kale wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidamadii ku sugnaa deegaanadaasi ay dib ugu laabteen degmada Raage Ceelle, waxaana hoggaaminayo taliyaha ciidamada Xoogga Soomaaliyeed, Generaal Odowaa Yuusuf Raage oo ku sugan gobolka Sh/Dhexe.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada milatariga iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan Shabeelooyinka oo ay weli ku xoogan tahay Al-Shabaab.