Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Rooble iyo Safiirka Finland ee Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Finland u joogay Soomaaliya Mr Erik lundberg, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo dhowr ah.

Kulanka ayaa ah mid sagootis ah oo la sameeyey Danire Erik lundberg oo kasii tagayo xafiiska, maadaama uu dhammeystay muddo xileedkiisa.

Ugu horreyn ra’iisul wasaare Roobe ayaa uga mahadceliyey safiirka Finland wada-shaqeynta dowladda federaalka, muddadii uu ka howl-galayey magaalada Muqdisho.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in Mr Erik lundberg uu ka shaqeeyey xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga wanaagsan ee haatan ka dhexeeya labada dal.

Rooble ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in Finland ay ka mid ah tahay wadamada ugu horreya ee doorka wanaagsan ka qaatay dowlad dhiska Soomaaliya, isla-markaana lagu xasuusan doono safiirka sii tagaya wada-shaqeyntii uu la lahaa dowladda Soomaaliyeed.

Finland ayaa ka mid ah wadamada saaxibka la’ah Soomaaliya, iyada oo ka taageerto dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo sidoo kale arrimaha bani’aadanimada.

Si kastaba Soomaaliya ayaa sare u qaaday xiriirkeeda arrimahada dibadda, taas oo keentay in sanadihii u dambeeyey safiiro ka socda dowladaha caalamka ay soo gaaraan Muqdisho.