Sawirro: Muxuu QOOR QOOR kala hadlay KATE FOSTER?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa maanta wada-hadal dhanka khadka Internetka ee Zoom la yeeshay danjiraha dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster.

Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay xaaladda Galmudug iyo arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka, sida lagu shaacisay qoraal kasoo baxay madaxtooyada maamulkaasi.

Qoor Qoor iyo Kate Foster ayaa diiradda saaray arrimaha horumarinta kaabayaasha dhaqaale, amniga gudaha iyo dhismaha hay’adaha kala duwan ee Galmudug.

Sidoo kale waxa ay labada dhinac isla soo hadal qaadeen arrimaha dardar-gelinta doorashada dalka oo haatan si habsami leh u socota.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale uga mahad-celiyay danjiraha UK taageerada iyo garab istaagga ay mar weliba u muujiyaan guud ahaan Soomaaliya.

Ingiriiska ayaa Galmudug siiyo taageero, waxaana gobollada dhexe uu ka fuliyaa mashaariicyo dhowr ah, iyada oo sidoo kale UK ay gacan siiso hay’adaha maamulkasi.

Si kastaba kulankan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan Galmudug ay ka socdaan mashaariicyo kala duwan oo lagu hormarinayo deegaanada maamulkaasi, waxaana ka mid ah dib u dhiska garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif oo ku yaalla caasimada Dhuusanareeb.