Daawo: Xeebaha Somalia oo lagu qabtay markab dembi culus loo haysto iyo 10 nin

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada badda ee dowlad goboleedka Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay Markab kalluumeysi oo si sharci darro ah uga jilaabanayey biyaha Soomaaliya, sida saraakiisha ciidamada badda Puntland ay warbahinta u sheegeen.

Ciidamada oo warbaahinta u soo bandhigay markabkaas ayaa sheegay in ay kasoo qabteen xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari, kadib markii ay ka war heleen inuu halkaas ka wado Jariif.

Sarkaalkii hoggaaminayey howlgalka lagu soo qabtay markabkaas ayaa sheegay in wax sharci ah uusan wadan Markabkaas, isla markaana hadda wareejiyey taliska guud ee ciidanka badda Puntland.

Markabka iyo shaqaalihii saarnaa ayaa maanta la keenay dekedda magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

“Waxaan howlgal uga soo baxnay dekedda Boosaaso, u jeedkeenu waxa uu ahaa soo qabashada Markab si sharci darro ah uga kalluumeysanayey xeebta degmada Qandala, saqda dhexe ee habeenkii ayaan qabanay Markabka, raggii watayna wax iska caabin ah kalama aanaa kulmin, mana aysan wadan wax sharci ah, si sharci darro ah ayuu ku kalluumeysanayey, sidaas ayaana ku qabanay,” ayuu yiri Xidigle Maxamed Axmed oo ah sarkaalkii hoggaaminayey ciidanka.

Sidoo kale sarkaalkan waxa uu sheegay in ragga watay Markabka la qabtay ay ahaayeen 10 nin, isla markaana warbixinta Markabka ay u gudbiyeen taliska guud ee ciidamada badda Puntland.

Bishii Maarso ee sanadkan ayey aheyd markii ciidamada badda Puntland ay howlgal noocaan oo kale ah ku soo qabteen 10 doonyood iyo shaqaalihii watay, oo si sharci darro ah uga kalluumeysan jiray biyaha Soomaaliya, kuwaas oo laga lahaa dalka Yemen.

Hoos ka Daawo