ETHIOPIA oo warqad xariga u jartay Madaxii hore ee Sirdoonka dalkaasi oo lagu helay kiisas halis ah (Sawirro)

Addis Ababa (Caasimada Online)-Dowladda Ethiopia ayaa amar ku bixisay in si dhaqsi ah lagu soo xiro Madaxii hore ee Sirdoonka dalkaasi Getachew assefa.

Dowlada oo jartay warqada lagu soo xiraayo Getachew assefa ayaa hay’adaha amaanka fartay in lasoo xiro, kadib markii bartiisa la waayay muddo ku dhow bil.

Qoraalo kala duwan oo kusoo baxay wargeysyada kasoo baxa dalka Ethiopia ayaa waxaa lagu sheegay inuu baxsaday Getachew assefa, isla markaana aaday dhanka Sudan.

Waxa ay qoreen in Getachew assefa uu muddo ku dhow bil ku dhuumaleysanaayay Gobolka Tigray oo  uu ka soo jeedo.

Waxa ay qoreen qaar kamid ah wargeysyada in Mr Getachew assefa uu qoyskiisa kala baxay dalka Ethiopia sidaana uu ku baxsaday.

Getachew assefa, ayaa waxaa loo heystaa kiisas la xiriira Awood sheegasho, Meel ka dhaca xuquuqda aadanaha, Xariga iyo dilal toogasho ah oo lagu fuliyay dad tuhmanayaal ah.

Sidoo kale, Wargeyska tesfanews ayaa qoray in dowlada Ethiopia ay baadi-goob xoogan ku heyso Madaxii hore ee Sirdoonka dalkaasi oo ka danbeeyay dilal sharci daro ah oo ka dhacay dalkaasi, waxaana gacan ku dhigistiisa loo xil saaray gudiyo ka tirsan Hay’adaha amaanka dalkaasi.

Abiy Axmed, Ra’isal wasaaraha dalka Ethiopia ayaa isbeddel ku sameeyay Hay’adaha amaanka dalkaas,waxaana uu xilka ka qaaday taliyayaasha Ciidamada kala duwan ee Ethiopia.

Abiy Axmed, waxa uu xil ka qaadis kadib amar ku bixiyay in la baaro dhammaan shaqsiyaadka xilka laga qaaday waxaana kamid ahaa Getachew assefa, oo aad loo raadinayo.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Ethiopia ayaa baaritaano ku heysa mas’uuliyiin badan oo dhawaan laga qaaday xilka kuwaa oo la tuhmaayo.

Caasimada Online

Xafiiska Addis Ababa

Caasimada@live.com