28.6 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Ethiopia oo xoog ku haysata guri ku yaalla Garowe iyo masuul xil…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Duqii hore ee degmada Gaalkacyo oo warbaahinta Garowe la hadlay ayaa sheegay in xafiiska safaarada Ethiopia Garowe xoog ku heysto guri uu leeyahay oo ku yaala magaalada Garowe ee gobolka Nugaal.

Saciid Cabdi Faarax, duqii hore ee degmada Gaalkacyo wuxuu sheegay in safaarada Ethiopia xafiiska magaalada Garowe ay diiday iney ka baxdo dhismaha guriga uu ku leeyahay  magaalada Garowe, iyadoo hishiiska marka hore uu ahaa in waqtigii uu u baahdaa looga bixi doono.

Duqii Gaalkacyo ayaa sheegay in dacwada arintaasi la xiriirta uu gaarsiiyay dhamaan hayadaha ay quseyso ee maamulka Puntland, isagoo si rasmiya u sheegay ineysan ilaa iyo hadda wax u qaban sida uu hadalka u dhigay.

”Maxkamadu waxa aay sheegtay inay aniga i xirayso hadii aan dagaalamo, waxaan la iisheegay inaan la xiri karin itoobiyaan ka oo sharciga uusan qabanayn” Ayuu Yiri Saciid Cabdi.

Wuxuu ugu dambeyn sheegay in hadda kadib uusan wax wadahadal ah gali doonin uuna qaadi doono talaabo kastaa oo uu kusoo dhacsan karo gurigiisa ku yaala Garowe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News