Ethiopian Airlines oo mar kale maanta u gaftay madax-banaanida Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) ― Diyaarada Ethiopian Airlines, ee dowladda Itoobiya ayaa maanta markale ku kacday talaabo ka dhan ah Amaradii dowladda federaalka.

Diyaarada Itoobiya ayaa maanta kasoo dagtay madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa, xili lagu wado inuu dhamaaday fasaxii Labada cisho ahaa ee dowladda federaalku ay ugu dartay duulimaadyada caalamiga ah.

Ethiopian Airlines ayaa duulimaadkeedii caadiga ahaa ku timid Hargeysa, inkasta oo aan la ogeyn in Maamulka hawada uu u digay iyo inkale, maadama ay dhamaatay muddadii la fasaxay duulimaadyada caalamiga ah.

Maaha markii u horeysay ee Ethiopian Airlines ay ku kacdo talaabo ka dhan ah madax-banaanida Soomaaliya, iyadoo oo hore u kala saartay Somalia iyo Somaliland, sida labo dowladooda, midaasi oo ka dhan ah jiritaanka Jamhuuriyada.

Ilaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan diyaaradan maanta ka degtay madaarka magaalada Hargeysa, ee jabisay amaradeedii.