Ujeedka ay wasiirada iyo xildhibaanada taageersan DF hadda un u billaabeeen raadinta xuquuqda Hawiye

Baydhaba (Caasimada Online) – Waa arrin dhab ah in tiradii hore laga yareeyay kuraasta Hawiye ku leeyahay baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana arrintaas ka dhashay hadal heyno kala duwan oo baraha bulshada ah, waxay sidoo kale mideysay siyaasiin badan oo kala aragti duwanaa.

Siyaasiinta hor boodaya in la helo xuquuqda Beel-weynta Hawiye kaga maqan Koonfur Galbeed waxaa ku jira wasiirka amniga, wasiirka ganacsiga iyo xildhibaano mucaarad ah oo sanado ka hor dowladda u af-jukeyn jiray beelaha ay kuraasta ku matalaan ee Hawiye.

Dad badan ayaa is weydiinaya waa maxay qiirada Hawiyinimo ee hadda gashay Wasiirada iyo Xildhibaanada dowladda raacsan iyo waxa ay go’aan mid arrintaan uga qaateen. Ma Hawiye jaceel mise dan siyaasadeed oo ah ku soo laabashada kuraasta ay ku fadhiyaan?

Hadal heynta ugu weyn ayaa ah in Xubnahaan maadaama uu waqtiga uu gaba-gabo yahay ay doonayaan soo laabasho taasina ay keentay in ay weji kaga raadsadaan Hawiye oo sanadihii hore xadgubyo kala kulmay meelo kala duwan.

Waxay hore u taageereen go’doonka gobalka Banaadir, weerarka siyaasiin iyo madax hore oo mug iyo miisaan ku leh beesha iyo dhibaatooyin loo geestay saraakiil, ciidan iyo shacabka Hawiye balse waxay doonayaan in ay masaxaan arrimahaas oo dhan si ay u soo laabtaan, sida ay aaminsan yihiin waxgaradka iyo siyaaasiinta Hawiye.

Shalay ayaa magaalada Baydhabo ee gobalka Bay waxaa gaaray wafdi Hawiye ah oo uu hogaaminayo wasiirka amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow waxaana wafdiga ku jira wasiiro kale, Xildhibaano iyo Senataro lamana oga nuuca natiijo oo ay keeni doonaan.

Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo markii hore ahaa 149 xubnood ayaa hadda lagu soo koobay 95 Xildhibaan, waxaana Hawiye meeshaas uga maqan laba jibaarka inta ka maqan beelaha kale waana arrinta keentay dooda beel-weynta Hawiye.