Haweeney Maseyr dartiis xalay isugu dishay Guriceel

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya haweeney xalay isku dishay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Haweeneydaan oo ka mid aheyd dadka deegaanka ayaa la sheegay inay isku dishay Maseyr dartiis, kadib markii uu Sayigeeda la guursaday Xaas labaad.

Ilo deegaanka ah ayaa shabakadda Caasimada Online u sheegay in haweeneyda inta aynan is-dilin ay isku xirtay Qol, kadibna ay cabtay Sun ay ugu dambeyn u geeriyootay.

Weli faah faahin dheeri kama bixin maamulka degmada dhacdadaasi oo ay si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka.

Sidoo kale dilka gabadhaasi oo la yaab ku noqday dadka dariska ayaa si aad ah saaka u hadal hayaa dhacdadaasi xanuunka badan.

Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan arrintaan mid ugu ku ah gayiga Soomaaliyeed, iyadoona marar badan ka dhacday qeybo badan oo ka mid ah dalka.