Hargeisa (Caasimada Online) Horaantii bishaan midowga Yurub aya howlgalo ka bilaabay xeebaha maamulka Somaliland, iyadoo horay ciidamada Midowga Yurub ay howlgalka la dagaalanka bucad badeeda ee Atlanta ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.
Midowga Yurub ayaa gaarsiiyay shan gaadiid kuwaasi oo loogu tala galay in lagu taageero waxqabadka ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland, sida lagu sheegay war kasoo baxay midowga Yurub. Waxaana gaadiidkaasi laga soo qaaday dekada magaalada Jibouti iyadoo laga soo dajiyay dekeada Berbera.
Markii gaadiidkaasi laga dajiyay dekada magaalada Berbera waxaa lagu wareejiyay taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Cabdi Xersi Ducaale, sida lagu sheegay war kasoo baxay ciidamada Midowga Yurub.
Xiriirka wada shaqeyn ee dhexmaraya Somaliland iyo midowga Yurub ayaa ka dambeeyay markii 10 saraakiil sar sare ah oo ka mid ah ciidamada ilaalada Xeebaha Somaliland ay ka qeyb galeen tababar ku saabsan ka hortaga dambiyada dhanka xeebaha ah oo ay siinayeen ciidamada Midowga Yurub.
Tababarkaasi ayaa waxaa la siiyay saraakiisha maamulka Somaliland intii u dhaxaysan 10 ilaa 13 kii Bishan November, waxaana diirada lagu saarayay dambiyada iyo maxkamadeyntooda, iyadoo ujeedada ay aheyd sidii ciidamadaasi ay kaga hortagi lahaayeen dambiyada ka dhaca xeebaha maamulkasi.
Jean-Eric Troubat, oo ah sarkaal boolis Faransiis ah ahna hogaamiyaha howlgalka loogu magacdaray EUCAP Nestor ayaa sheegay in tababarka uu ahaa mid ay ku guuleysteen ayna u mahad celinayaan dadkii ka qeyb galay.
Admiral Cabdi Xersi Ducaale, ayaa mahad celin u jeediyay ciidamada midowga Yurub, isagoo sheegay in tababarka iyo agabka la siiyay ay ka saacidi doonaan sidii ay kaga hortagi doonaan dambiyada ka dhacaya xeebaha maamulka Somaliland.
Waxaan rajaynayaa in tababaro kale oo badan aan ka heli doono midowga Yurub”ayuu hadalkiisa kusii daray taliyaha ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland.
Inkastoo dowlada Somalia ay midowga Yurub iyo QM ay ka dalbatay in la tayeeyo Ciidamada bada ee Somali sidoo kalana qalabeyn lagu smaeeyaa ayaa hadana waxaa muuqan wax arintan ay ka qabteen dhinacyada ay quseyso .
Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horeu sheegay in Dhaqaalaha faraha badan ee lagu bixiyo xeebaha dalkeena ay haboon tahay in lagu tayeeyo ciidamada ilaalada bada Si iyaga howlgalkaas ay ula wareegaan .
Caasimada Online
Xafiiska Hageisa

