32.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Muqdisho oo kasoo baxday kaalinteda islamarkaana boqolaal kun oo dollar…!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta ku dhawaaqay in ay caasimada Soomaaliya ku deeqday $270,822 oo lacagta Mareykanka ah, dadkii ku wax yeeloobay Fatahaada Wabiga Shabeelle iyo duufaantii ku dhuftay Puntland .

Haddaba maalmahan waxaa degmooyinka magaalada Muqdisho, ka socday olole la doonayay in gargaar loogu uruuriyo dadka ku dhibaateesan musiibooyinkaas.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Nuur “Tarsan” ayaa ku dhawaaqay lacagta deeda ah ee laga soo uruuriyay degmooyinka Muqdisho, isagoona shacabka iyo guddoomiyeyaasha degmooyinka uga mahad-celiyay deeqda.

Tarsan ayaa tilmaamay lacagtan inay tahay gurmad ay u sameeyeen walaalahooda dhibaataysan ee ku nool Shabeellaha Dhexe, Barri iyo Nugaal.

Waa gargaarkii ugu horreyay oo degmooyinka Muqdisho laga aruuriyo kaasoo loogu talagalay dadka ku barakacay fatahaada Wabiga Shabeelle iyo duufaanta Puntland ku dhufatay..

Marka laga soo tago deeqda, waxaa jira dhar, teendhooyin iyo raashiin ay shacabka magaalada ururiyeen taas oo sidoo kale deeqda qayb ka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News