Exclusive: Wasiirka ay beesha Abgaal ka heli doonto golaha wasiirada oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhawaan la filayaa inuu Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre ku dhawaaqo golihiisa wasiirada cusub waxaana la rajeenayaa inay kasoo muuqdaan shaqsiyaad aqoon iyo qibrad u leh jagooyinkaas.

Haddaba Caasimada Online oo ah shabakad aad uga barateyn inay idiin soo gudbiso xogaha qarsoon ee siyaasadda Soomaaliya ayaa si hoose usoo ogaatay wasiirka ay Beesha Abgaal ka heli doonto golaha wasiirada cusub.

Beesha Abgaal ayaa ah beel weyn oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed sidoo kalana dhawaan dagaal siyaasadeed culus u gashay sidii ay u heli laheyd xilka Ra’isulwasaarahanimo iyagoo kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inkastoo markii dambe madaxweynaha uu go’aanka ku qaatay inuu ka dhigo shaqsi kasoo jeedo beesha Murusade.

Haddaba odayaasha iyo siyaasiyiinta Abgaal ayaa si weyn ugu qancay go’aanka uu qaatay madaxweynaha iyo cidda uu ka dhigay Ra’isulwasaaraha waxayna ka war sugayaan wasiirka laga siin doono golaha wasiirada cusub ee la filayo in lagu dhawaaqo maalinta Arbcada  ee soo socoto ama Arbacada xigto.

Haddaba Caasimada Online ayaa soo ogaatay in Beesha Abgaal ay heli doonto wasiirka Arrimaha gudaha oo ah xil aad u muhiim ah wadatashiyo badan kadibna sidaas ayaa lasoo sheegayaa inuu Ra’isulwasaaraha go’aan ugu qaatay inuu xilkaas siiyo.

Sida la filayey ayaa dhacday oo ah in sidii ay awalba aheyd la kala qaado wasiirka Arrimaha gudaha iyo kan Amniga Qaranka waxaana la filayaa in wasiirka amniga la siin doono beel kale waxaana dhawaan idiin soo gudbin doonaa cidda loo qoondeeyey inay xilkaas qaadato.

Xogtaan ayaan waxaan ka helnay illo wareedyo ku dhaw dhaw xafiiska Ra’isulwasaaraha waxaana macquul ah inay wax is badalaan saacadaha ugu dambeeyo ee magacaabista golaha wasiirada sidii dhacdayba markii la magacaabay Ra’isulwasaaraha oo noqotay mid aan la fileyn maadaama ay jireen shaqsiyaad kale oo loo maleenayey inuu madaxweynaha magacaabi doono.

Haddaba wixii warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla wadaagi doonaa Inshaa Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com