Fallanqeyn: Axmed Madoobe waa hoggaamiye daacad u ah Farmaajo iyo sida ay ku dhacday

Kismaayo (Caasimadda Online) – Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa noqday hoggaamiyaha kaliya ee ilaa iyo hadda si rasmi ah uga hadlay mowqifkiisa Madaxweyne Farmaajo iyo dowladda cusub isagoo ka dhawaajiyey in maamulkiisa iyo barlaamanka matalo Jubbaland ay si weyn u taageri doonaan inkastoo qaar maamulada kalana ay uga hadleyn si ka duwan sida Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaan wax faragelin ah ku sameyn doorashadii dhawaan ka dhacday Soomaaliya oo uu ku guuleystay Farmaajo inkastoo uusan kasoo qeybgelin doorashada haddana markii la doortay wuxuu ku dhawaaqay inuu taageeri siin doono.

Axmed Madoobe ayaa sheegay dhibaatada heysatay Dowladihii hore ay kamid aheyd taageero la’aanta ka heysatay dhanka shacabka balse waxa uu iminka cadeeyay in Dowladaani ay mudan tahay in si dhow loola shaqeeyo.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowlada cusub ay ka duwan tahay kuwii hore waxa uuna farta ku goday in Jubbaland ay mar waliba taageersan tahay Madaxweynaha ay taagersan yihiin shacabka.

”Jubbaland wey ku qasban tahay inay taageerto cida ay taageersan yihiin shacabka waxaan ku baaqeynaa in lala shaqeeyo Madaxweynaha cusub”

Axmed Madoobe ayaa sheegay in Somalia ay u baahan tahay inay hesho nabad, waxa uuna farta ku goday in nabadaasi lagu gaari karo taageerida Dowlada dhisan.

Maamulka Jubbaland ayuu sheegay inay ka go’an tahay in si dhow ay ula shaqeyso Dowlada cusub ee u dhalatay Somalia, waxa uuna ku baaqay in Maamulada kale ay ku daydaan Jubbaland.

Waxa caddeyn kuugu filan inuu Axmed Madoobe kulan isugu yeeray xubnaha baarlamaanka aqalka hoose ee matala Jubbaland kaasoo ka dhacay magaalada Muqdisho wuxuuna u sheegay inuusan isaga amrin inay doortaan Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ay ka turjumeyn baahida shacabka sidaas darteedna ay lagama maarmaan tahay inay si weyn ula shaqeeyaan madaxweynaha ay doorteen.

Kulankaas ayaa waxaa ka muuqatay daacadnimo iyo taagero rasmi ah wuxuuna baarlamaanka Jubbaland kula dardaarmay inay si wanaagsan ula shaqeeyaan madaxweynaha isla markaasna ay ka faa’ideeyaan sidii looga dhabeyn lahaa rajada soo gashay shacabka Soomaaliyeed.

Hadalada iyo dardaaranka Axmed Madoobe waxay kuu muujineysaa inuu aad u wanaagsan yahay xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Goboleedka Jubbaland oo markii hore la ogaa inay dhawr jeer is qabteen madaxweynihii waqtigiisa dhamaaday ee Xasan Shiikh Maxamuud.

Ugu dambeyntii Axmed Madoobe waa hoggaamiye mudan in loo mahadceliyo sida wanaagsan ee uu  u muujiyey in loo baahan yahay inay Soomaaliya cagaheeda isku taagto oo ay ka maaranto dowladaha Shisheeye.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com