Sawirro: Maxaa looga hadlay kulankii uu R/W Kheyre ku qabtay Villa Somalia?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Xuukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa goordhow ka hadlay kulan ka dhacay Villa Somalia kaa oo u dhexeeyay isaga iyo Guddi uu dhawaan magacaabay Madaxweynaha Somlia Maxamed C/llahi Farmaajo.

Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in kulankaasi uu ahaa mid kala dhexeeyay xubnaha Guddiga Gurmadka Abaaraha, waxa uuna sheegay in looga hadlaayay arrimaha ku aadan wax ka qabashada abaaraha kusii baahaaya Gobolada dalka.

Kheyre waxa uu sheegay in Guddiga ay ka tallo bixiyeen Hanaanka loogu gurmankaro dadka ay abaaruhu saameeyen waxa uuna sheegay in Guddiga ay soo gudbiyeen warbixin dhab ah oo albaabada u furi karta hakinta abaaraha.

Kheyre, ayaa sheegay in DFS ay qaadi doonto tilaabo kaste oo ay Suurta gal tahay in wax looga qabto Abaaraha ka jira Somalia, waxa uuna meesha ka saaray in Dowladu ay gacmaha ka laaban doonto dhibaatadaani taagan.

Ra’isul wasaaruhu waxa uu tilmaamay in 48-kii saac ee lasoo dhaafay ku dhawaad 110 qof ay u dhinteen Abaaraha ka jira Gobolada Somalia, gaar ahaan gobolada Baay iyo Bakool, sida uu haddalka u dhigay.

”Dadka ku dhimanaaya abaaraha waa kuwo walaal noo ah, ma suuroobeyso inaan indhaha ka daawano, Dowladu waxa ay qaadeysaa tallaabo ay ku muujineyso mas’uuliyada ka saaran qaboojinta abaaraha kusii baahaaya Gobolada dalka”

Dhinaca kale, Kheyre ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan in dadkaasi si siman loo gaarsiiyo gurmad iyo gargaarka deg deg ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com