Faah-faahhin ku saabsan 2 dhallinyaro ah oo maanta lagu dilay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa barqanimadii maanta waxaa ay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ku dileen laba dhallinyaro ahaa, iyaga oo dilka kadib goobta ka baxsaday.

Dhalinyarada la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Axmed Xasan iyo Ismaaciil Axmed Siyaad, waxaana la sheegay inay ka tirsanaayeen Ciidamada Nabad-Sugida Soomaaliya qeybta ilaalada shacabka ee dharcadka loo yaqaan.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga la dilayay labada dhallinyarada ah ay wateen mooto nooca labada lug leh ee Fekonta loo yaqaan, waxaana weerarkaas sidoo kale lagu dhaawacay mid kale oo la socday.

Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilkaas, iyaga oo ku sheegay qoraal lagu daabacay baraha ay ku leeyihiin Internet-ka in dhalinyarada la dilay ay ka tirsanaayeen askarta Dowladda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in Ciidamada Booliska ay sameeyeen howlgal baaritaano ah oo lagu baadi goobayay ragii fuliyay dilka loo geystay Askarta ka tirsaneyd dharcadka.

Laamaha Amniga Soomaaliya weli wax faah-fahin ah kama bixin, waxaana dilkan uu kusoo aadayaa xilli Maanta Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo lala eegtay Taliye kuxigeenka Ciidanka xoogga dalka iyo Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid.