Xog: DF oo ka fakareysa inay bandow saarto Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka fakareyso in bandow ay geliso Muqdisho si loo yareeyo qatarta Covid-19 oo si weyn ugu baahay Muqdisho. 

Wararka aan helnay ayaa muujinaya in qubarada dowladda Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Covid-19 ay Xukuumada u gudbiyeen talooyin ah in la fasaxo goobaha waxbarashada, Maqaayadaha iyo hoteelladana la xiro. 

Villa Somalia iyo Xukuumada ayaa ka fikiraya saameynta ay ka tagi karto arrintaan maadaama ay reebi karto saameyn dhaqaale oo weyn, mana cadda haddii go’aanka hadda lagu taamayo lagu dhaqaaqi doono. 

Dr Maxamed Maxamuud Fuje, oo ah la-taliyaha sare ee dalka ee arrimaha Covid-19 ah ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in dhowaan ay soo bixi doonaan amarro adag oo lagula taacalayo arimaha taagan. 

“Waxaan u gudbinay talooyin dalka lagu gelinayo Bandow ama Muqdisho oo kaliya, waayo dhimasho badan ayaa jirto waana sii faafaayaa cudurka waliba si weyn,” ayuu yiri Dr Fuje.

Bandowga ayaa noqon doona mid la mid ah kii sanad ka hor ay soo rogtay dowladda oo billaabanaya wixii ka dambeeya laba saac habeennimo. Si kastaba ma cadda saameyn Bandow xiligaas billowda uu yeelan karo maadaama bulshada ay aad isku dhex socoto maalintii.