CC Sharmaarke: “Xaaladda siyaasadda dalka waxaa ka hartay kaliya in shakhsiga la gaaleysiiyo” – Wareysi

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ahna Senetor ka tirsan Aqalka Sare oo ka hadlay marxaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa sheegay in xaaladaan oo kale uusan dalku gelin wixii ka dambeeyey markii dowladnimada Soomaaliya lagu soo dhisay Carta.

Cumar Cabdirashiid oo u waramay VOA ayaa sheegay in afartii sano ee lasoo dhaafay uu dalku galay dhaqan ah ‘hala kala adkaado’ taas oo uu sheegay in maanta aysan Soomaaliya u baahneyn.

“Maamlintii aan ka tegay waxuu ahaa dal dadkiisu wada shaqeynayaan oo isku yimid, waxaan ku wareejinay rajiimkii naga dambeeyey dal amnigiisu hadda meesha uu joogo ka fiican, waxaa la rabay in maanta dadku intii isaga sii dhawyihiin, laakiin waxay la yimaadeen dhaqan ah hala kala adkaado, taasna wax maanta Soomaaliya ay u baahan tahay maaha,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Waxuu intaas ku sii daray, “Xaaladda Soomaaliya waxay maanta mareysaa fara isku fiiq-fiiq is aflagaadeyn, in shakhsiga la gaaleeyo unbaa dhiman, wax kale oo noo haray malahan, taasna waxaan rajeynayaa in doorashada kadib laga gudbo.”

Sidoo kale waxa uu aad u dhaliilay in afar sano kadib ay caqabad weyn ka taagantahay in doorasho lagu aado hanaankii ay dejiyeen 2016-kii, xilligaas oo xukuumadii uu hoggaaminayey ay doorasho gelisay dalka.

Waxa uu soo sharaxay hanaankii ay dalka doorashada uga qabteen, xiligii uu ra’iisul wasaaraha ka ahaa dowladdii uu hoggaaminayey madaxweyne Xasan Sheekh, isagoo sheegay in xukumadiisii ay laba sano ku dhistay Galmudug iyo HirShabelle, isla markaana ay doorasho guud ku qabatay.

“Waxaan la leeyahay tanasulaa ayaa la sameeyey oo doorashaa loo tanasulay, wax ka jira maleh, marna laguma fekerin in dalkan doorasho qof iyo cod ah laga qabto,” ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Hoos ka dhageyso wareysiga