Xog: Safaaradda UK ee Muqdisho oo diidan inay safiirka cusub warqadaha u gudbiso FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee dowladda Ingiriisku ay dhawaan u magacaabatay Soomaaliya Ms Kate Foster ayaa maalmo ka hor soo gaartay magaalada Muqdisho, waxayna badeleysaa safiirkii hore ee UK Ben Fender.

Kate Foster oo hadda ku sugan safaaradda UK ee Muqdisho waxay sugeysaa in warqadaha aqoonsiga ee safiirnimo laga guddoomo, waxuuna sharciga Soomaaliya dhigayaa in madaxweynaha dalku uu ka guddoomo aqoonsiga safiirnimo si ay u howl-bilowdo.

Hase yeeshee waxaa jirta dood adag oo ka dhex taagan safaaradda UK ee Soomaaliya, taas oo salka ku heysa cidda warqadaha aqoonsiga ka guddoomeysa safiirka cusub.

Sida aan xogta ku helnay qaar ka mid ah diblomaasiyiinta UK ee Soomaaliya ku sugan ayaa soo jeediyey in aqbalaada safiirka cusub lala sugo madaxweyne cusub oo ay yeelato Soomaaliya, maadaama uu madaxweyne Farmaajo waqtigii ka dhamaaday 8-dii bishan Febraayo.

Safaaradan kuma cusba arrintan oo kale, waxuuna afar sano kahor safiirkii ay UK u soo dirsatay Soomaaliya ku qasbanaaday inuu sugo doorashadii madaxweyne Farmaajo.

David Concar oo afar sano ka hor November 2016 ay UK u soo magacaabatay Soomaaliya ayaa ku soo aaday iyadoo uu dhamaaday mudo xileedkii madaxweyne Xasan Sheekh, waxuuna warqadihiisa aqoonsi raadiska ahaa la sugtay madaxweyne sharciyad heysta.

18-kii bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii, 10 maalmood kadib markii la doortay madaxweyne Farmaajo ayaa danjirihii xilligaas ee UK David Concar laga guddoomay warqadihiisa aqoonsiga.

Safiirkii waqtigu ka dhamaaday Ben Fender oo dhawaan dib ugu laabtay dalkiisii Ingiriiska waxaa u dhamaatay mudadii uu sharcigu u ogolaanayey inuu safiir kasii ahaado Soomaaliya, waxaana markii uu baxayey xaflad sagootin ah u sameeyey ra’iisul wasaare Rooble, waxuuna ahaa shakhsi aad uga hadla, oo dariiqa toosan tilmaama, markii ay cakiranto siyaasadda Soomaaliya.