Uganda oo askar horleh u soo direysa Soomaaliya

Kampala (Caasimada Online) – Dowladda Ugnada ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo horleh oo ka mid noqonayo howl-galkada AMISOM ay u soo direyso gudaha Soomaaliya.

Afhayeen u hadlay dowladda Uganda oo lagu magacaabo, Janaraal Yusuf Bilal Katamba ayaa sheegay ciidamadan ay gaarayaan illaa 1,000 askari, wuxuuna sheegay in la filayay in ay  Somalia soo gaaraan bishii April ee sanadkii 2020, balse uu dib u dhigay Covid-19.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in askartan ay bedali doonaan kuwa kale oo howlahooda ciidan dhameystay, islamarkaana Soomaaliya ku sugnaa muddo hal sano ah.

Katamba ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in ciidamadan ay qaadan doonaan tababar soconayo muddo afar bil ah, kadibna ay ka qeyb qaadan doonaan dagaalka Al-Shabaab.

Kunka askari ee ay haatan soo direyso dowladda dalka Ugand ayaa ah qaybta 31-aad ee ciidamada Difaaca UPDF, waxayna ka qeyb-qaadan doonaa howl-gallada AMISOM.

Uganda ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo badan oo lagu qiyaaso illaa 6,000 oo askari, kuwaas oo ka qeyb-qaata howl-galka nabad ilaalinta Ururka Midowga Afrika.