DF oo war kasoo saartay weerarkii Xuutiyiinta ay ku qaadeen Sucuddiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay weerarkii Axadii kooxda Xuutiyiinta ee ka dalaamaha wadanka Yemen ku qaadeen magaalooyin ka tirsan dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Warsaxaafadeed kasoo baxaya wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda federaalka ay xun tahay weerarkaasi oo ay ku tilmaamtay inuu mid rgagixiso ah.

Sidoo kale qoraalkan ayey dowladda Soomaaliya ku sheegtay in weerarka kooxda Xuutiyiinta Yemen uu adgudub ku ah sharciga caalamiga ah & kan bani’aadamnimada.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale shaaca ka qaatay in weerarkan uu carqaladeynayo  dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in xal waara loogu gaaro colaadada sanadaha badan ka taagan wadanka carbeed ee Yemen.

“Soomaaliya waxa ay u aragtaa weerarkaasi mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga iyo kan bani’aadamnimada iyo dambi argagixiso oo lagu beegsanayay goobo dad rayid ah ay degan yihiin iyo carqalad ka dhan ah dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen,”ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Ugu dambeyn dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Boqortooyada Sacuudiga ay xaq u leedahay in ay daafacto dhulkeeda ayna ilaaliso amnigeeda iyo bad-qabka dadkeeda.