Odowaa iyo taliyaha Amisom oo gaaray Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Odowaa Yuusuf Raage iyo taliyaha ciidamada AMISOM Diomede Ndegeya ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo lagu soo dhoweeyey.

Wafdiga oo uu horkayop General Odowaan ayaa waxaa garoonka Beledweyne ee Ugaas Khaliif kusoo dhoweeyey saraakiilka tirsan qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka iyo sidoo kale mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed HirShabelle.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka iyo midka AMISOM ayaa kulamo ka bilaabi doono Hiiraan, kuwaas oo looga hadlayo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee gobolkaasi.

Sidoo kale taliye Odowaa ayaa kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda saree HirShabelle madaxweyne ku xigeenka maamulkaas oo ku sugan Beledweyne.

Qorshaha Odowaa ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah booqasho & kormeer uu ku tegi doono xarumaha ciidamada dowladda ee ku yaalla gobolkaasi.

Horey taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa booqasho ugu tegay gobollada dhexe ee dalka, gaar ahaan deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.