Taliska ciidanka Asluubta oo bishaan lacag ka jaraya ciidamada + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Janaraal Mahad Cabdiraxmaan Aadan uu amar ku bixiyay in bilaha soo socdo lacag laga jaro ciidanka iyo saraakiisha Asluubta. 

Xogta aan helnay ayaa intaas ku dareysa in taliyaha uu amray lacag u dhaxeysa 20 ilaa 150 dollar, waxayna u kala lacag badnaan doonaan sida ay u kala darajo sareeyaan. Dablaha ama askariga caadiga ah ayaa laga qaadayaa 20 doollar halka Sarkaalka ah Gaashaanle sare laga rabo 150 dollar. 

Lacagtaan ayaa lagu sheegay in gaadiid dagaal loogu iibin doono ciidanka Asluubta oo sida la sheegay gaadiid dagaal helin sanadihii ugu dambeeyay ee soo kabashada ciidanka. Taliyaha ayaa ciidanka iyo saraakiisha u sheegay in dowladda aysan heli karin lacag gaadiid loogu iibiyo Asluubta, sidaas darteedna ay qasab tahay in lacag laga jaro. 

Ciidanka Asluubta iyo saraakiishooda ayaa Caasimada Online u sheegay in aysan ka go’i karin lacagtaas islamarkaana u baahan yihiin in arintaan wax laga qabto iyagoo baaq u diray madaxda dowladda Soomaaliya. 

Taliska ciidanka Asluubta wali arintaan kama hadlin, sidoo kale madaxda dowladda iyo qeybaha kale maaliyada dalka ayaa wali arintaan ka hadlin.