Cali Wajiis: “Farmaajo waa lagu dambaabayaa” + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah hey’adda culumada Soomaaliyeed, isla markaana aad u taageera madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa sheegay in umadda Soomaaiyeed uu u balan qaadayo hadii dib loo doorto Farmaajo in dalku uu barwaaqo gelayo.

Muuqaal la duubay xilli Sheekh Cali Wajiis uu qadka internetka kula hadlaayey culumo kale ayaa waxuu ku sheegayaa in Farmaajo uusan aheyn kaligi-taliye ama tuug xoolo dadweyne raba toona, balse uu yahay nin qalbi wanaagsan oo lagu dambaabayo hadii wax laga sheego.

Sidoo kale Sheekh Cali intii uu hadlaayey waxa uu soo hadal qaaday shirka ay qabsoomidiisa caqabada weyn ka taagantahay ee madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, isagoo culumada kale ugu bishaareeyey in shirkaas uu qabsoomi doono dhawaan, iyadoo la isku calool fiyowyahay.

“Culumada waxaan idinkugu bishaareynaa Insha Allah shirka Muqdisho waa qabsoomi doonaa, labaada maamul goboleedna waa imaa doonaan, musharaxiinta kalena madaxa ayaa loo salaaxi doonaa oo shirka waa imaanayaan ama iyagoo qanacsan ayaa la qaban doonaa, doorashadana waa la aadayaa,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Isagoo sii hadlaayey waxa uu sheegay in hadii uu afarta sano ee soo socota Farmaajo madaxweyne ka noqdo Soomaaliya uu shakhsiyan damaanad qaadayo in dalku barwaaqo gelayo.

“Madaxweyne Farmaajo hadii uu noo soo laabto Soomaaliya afarta sano ee soo socota waxay gaareen horumar aan caadi aheyn, anigaa idiin damaanad qaadaya Soomaaliyey, cabsida badana iska dhaafa, Farmaajo kaligi taliye maaha, nin xoolo islaameed raba maaha, nin qof inuu dulmiyo raba maaha, hal qof siyaasad uma xirra,” ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Mar uu soo hadal qaaday weerarkii lagu qaaday Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxuu sheegay in isagu uusan ka dambeyn, balse uu madaxweyne Farmaajo mag iyo xaal-marin ka bixiyey wixii dhacay.

“Cabdiraxmaan Cabdishakuur wixii lagu sameeyey oo isagu uusan shaqa ku laheyn, Sabeyn (Lax) ayuu ka xiray, magtii ayuu dhiibay, odayaashii ayuu u yeeray, raali gelin ayuu ka bixiyey,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Sheekh Cali Wajiis waxa uu yiri, “Farmaajo waa lagu dambaabayaa, hadii uu noo soo laabto waa kheyr oo waa tii la rabay, hadii mid kale yimaadana, waa uu la shaqey doonaa oo cabsi lagama qaboo xilka aa uu ku wareeji doonaa, waxa la buun-buuninayana waxaba kama jiraan.”

Hoos ka Daawo muuqaalka Sheekh Cali Wajiis