Laba arrin oo laga faa’iday heshiiskii mucaaradka iyo xukuumadda Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Heshiiskii ay todobaadkaan magaalada Muqdisho ku kala saxiixdeen Golaha Midowga Musharaxiinta mucaaradka ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa wax weyn ka beddelay jawigii siyaasadda dalka.

Inkasta oo heshiiskan yahay un mid muddo kooban soconaya, lagana yaabo inuu isbeddelo, haddana waxaa durba laga helay laba faa’iido oo hadda la dareemaya, kuwaas oo kala ah:

  1. 1- In ay dagtay xaaladdii aadka u kacesaneyn magaalada Muqdiaho, oo mar gaartay heer shacabku ay aaminaan in dagaal culus oo magaalada ka qarxi karo.
  2. 2- In Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble awood u sheegtay hogaaminta howlaha doorashada Soomaaliya oo uu markii hore ku lahaa door aad u yar, ayna suurta gal inuu xal buuxa u helo is-mari waaga doorashada.

Rooble oo aad loogu cadaadiyay in hoggaanka u qabto doorashada Soomaaliya si loo xaliyo tabashooyinka jira islamarkaana looga gudbo xiliga kala guurka ah, waxaana muuqato taladaas uu qaatay. 

Mucaaradka iyo qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedyada ayaa sheegay in Farmaajo uusan qeyb ka noqon karin fulinta doorashada dalka, maadaama uu yahay musharax, islamarkaana uu muddo xileedkiisu dhammaaday, waxaana suurta-gal ah inay helaan rabitaankooda.

Mucaaradka, maamulada Puntland iyo Jubaland iyo dhinacyo kale ayaa la rumeysan yahay inaysan dhib ku qabin haddii uu howlaha fulinta doorashada Maxamed Xuseen Rooble kala wareego Farmaajo.