Rooble oo mar kale maanta la kulmayo musharraxiinta mucaaradka + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xilka sii-haya ee Somalia Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa inuu markale maanta kulan gaar ah la qaato xubnaha midowga muysharraxiinta mucaaradka ee ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Kulankan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa diirada lagu saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sii amba qaadida wada-hadallada xukuumadda iyo mucaaradka oo 25-kii bishan heshiis horudhac ah ku gaaray hotelka Decale ee garoonka Aadan Cadde.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ay si gaar ah labada dhinac uga arrinsanayaan sidii loo dhameyn lahaa khilaafka xoogan ee weli ka taagan doorashada 2021-ka, gaar ahaan sidii ay iskaashi uga yeelan lahaa arrintaasi.

Sidoo kale xukuumadda & musharraxiinta ayaa isla soo qaadaya arrimo ay ka mid yihiin banaan-baxa ay abaabulayaan mucaaradka oo lagu ballamay in la qabto 10 cisho gudahood, iyada oo sidoo kale lagu soo bandhigayo kulankan xogta ay uruuriyeen xubnaha guddiga wadajirka ah ee loo xilsaaray dhacadaadi 19-kii Febaraayo , 2021-ka.

Waxaa sidoo kale labada dhinac ay ka wada doodi doonaan kaalinta ay Midowga Musharraxiinta ku yeelan doonaan wada-hadallada la xiriira arrimaha doorashooyinka ee lagu wado inay dhowaan ka billowdaan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Si kastaba kulankan ayaa kusoo beegmaya, xilli dadka Soomaaliyeed iyo Beesha Caalamka ay boggaadiyeen heshiiskii siyaasadeed ee lagu gaaray Muqdisho.