Wasiir Fowsiya Abiikar oo soo jeedisay in mar kale dalka xayiraad lagu soo rogo

Muqdisho  (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda caafimaadka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur oo war qoraal ah soo saartay ayaa ka hadashay xaaladda adag e uu dalka ku jiro, gaar ahaan soo labo-kacleynta cudurka saf-marka ah ee Coronavirus.

Wasiir Fowsiya ayaa shaaca ka qaaday in haatan cudura uu kusii faafayo dalka oo dhan, islamarkaana loo baahan in la qaado tallaabooyin deg-deg ah oo lagu xakameynayo.

Sidoo kale waxa ay soo jeedisay in xiyaaraad lagu soo rogo dalka oo dhan, si loo xakameeyo fidista cudurkan oo fara ba’an ku hayo Soomaaliya.

“Markale waxa aan so jeedinay in xayiraadihi lasoo rogo si looga hortago faafidda heerkeedu si kordhayo ee hadda aan arkayno,” ayey tiri wasiirka caafimaadka.

Fowsiya Abiikar Nuur oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in sanadkii hore xakameynta cudurka ay kaalin mugleh ka qaadatay xayiraadii lasoo rogay.

“Xakamaynta faafidda cudurka COVID19 ee sanadki tagay waxa qayb wayn ka qaatay xayiraado laguso rogay guud ahaan wadanka,” ayey sii raacisay wasiir Fowsiya.

Dowladda federaalka ah ayaa haatan ka fakireysa go’aankan, sida ay horey u shaacinay Shabakadda Caasimada Online.

Si kastaba Soomaaliya ayaa haatan wajaheyso xaalado adag oo is-biirsaday, gaar ahaan Covid-19 iyo muranka weli ka taagan doorashooyinka dalka ee 2021-ka.