Guddiga doorashooyinka oo war cusub kasoo saaray doorashooyinka 2021-ka

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga lagu muransan yahay ee doorashooyinka 2021-ka ayaa si faah faahsan uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan doorashooyinka, wadada-hadallada socda iyo heshiiskii dhex-maray xukuumadda iyo xubnaha midowga musharraxiinta.

Ugu horreyn guddiga ayaa soo dhoweeyey heshiiska labada dhinac, wuxuuna ugu baaqay inay sii wadaan dadaalladooda xalka looga gaarayo doorashooyinka.

“Guddigu wuxuu soo dhoweynayaa heshiiskii dhawaan ay wada galeen Midowga Musharixiinta iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee ku saabsanaa is fahamka waxyaabihii dhacay, waxaana guddigu ku boorrinayaa in ay sii wadaan dadaallada la isugu soo dhoweynayo dhinacyada siyaasadda iyo daneeyayaasha kale ee doorashooyinka, si wadanka ay uga qabsoonto doorasho loo wada dhan yahay oo xor iyo xalaal ah,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay guddiga doorashooyinka.

Sidoo kale wuxuu guddigu shaaca ka qaaday in xalka kaliya ee looga gudbi karo marxaladda adag uu yahay fulinta heshiiskii 17-kii Sebteembar ee sanadkii hore.

“Guddigu isagoo ka eegaya xaaladda dalka dhinacyada amniga, siyaasadda iyo duruufaha kale ee nololeed ee ay qabaan dadka Soomaaliyeed, una baahan in laga gudbo marxaladdan wuxuu ku baaqayaa in dhinacyada Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka oo ah cidda ay ka go’do taladda doorashadu ay fuliyaan heshiiskii doorashada ee 17 Sebteembar 2020,” ayaa markale lagu yiri qoraalka guddiga.

Warsaxaafadeedkan ayaa sidoo kale loogu mahadceliyey wakiilada beesha caalamka oo dadaal badan ku bixinaya xal ka gaarista muranka ka taagan doorashooyinka.

Ugu dambeyn guddiga ayaa ugu baaqay dhinacyada is haya inay isugu yimaad shir deg-deg ah, si xal mideysan loo gaaro, wuxuuna guddigu intaasi sii raaciyey in xaaladda adag ee uu dalka ku jiro looga samata bixin karo qabashada doorasho xor iyo xalaal ah.