Musharaxiinta Mucaaradka oo hal arrin ku diiday R/W Rooble kahor shirka maanta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa la filayaa in maanta uu qabsoomo shir ay yeelan doonaan sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble iyo midowga musharaxiinta madaxweynaha.

Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo xog ogaal ah, Maxamed Xuseen Rooble wuxuu markii hore dalbaday in kulankaan uu ka dhaco madaxtooyada Soomaaliya, balse waa lagu gacan seyray, taasna waxey keentay in shirka loo wareejiyo hotel Decale.

Sii hayaha xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble wuxuu u muuqdaa mid kaalintiisii qaadanaya, kulankii uu la yeeshay Beesha Caalamka kadib, waxaa la filayaa inuu isugu yeero madaxda maamul goboleedyada si loo amba-qaado dhabbaha lagu gaari karo heshiis doorasho oo lagu wada qanacsan yahay.

Beesha Caalamka waxey soo jeedisay in ilaa bartamaha bishaan la helo jadwal doorasho oo loo dhan yahay, la meel mariyo heshiiskii 17-kii September 2020 ka dhacay Muqdisho, iyadoo lagu lifaaqaayo isfahamkii guddiyada farsamada dhinacyada ee ku shiray Baydhaba.

Si kastaba waxaa jira waxyaabo badan oo ku hor gudban doorashada dalka, waxaana jira shuruudo badan oo ay soo gudbiyeen maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaldn, sidoo kalana midowga musharaxiinta.

Dhamaan shuruudahaas waa ku adag oo si weyn uga soo horjeeda sii hayaha xilka madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo aan la fileynin inuu shirka soo aadan qeyb ka noqdo.