Gaalkacyo (Caasimada Online) – Israasaaseyn kooban ayaa maanta ka dhacday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug gaar ahaan suuqa Darxumo oo ku yaala magaalada Gaalkacyo, taasi oo u dhaxeyso dad kasoo kala jeeda waqooyiga iyo koofur magaalada Gaalkacyo.
Israsaaseynta ayaa ka dambeysay markii ciidamo ku sugnaa suuqa ay rasaas ku fureen dad ganacsato ahaa walow markii dambe ciidamo ka tirsan booliska Puntland ay weerar u qaateen oo halkaasi ay dhankooda rasaas badan ka rideen.
Inta la xaqiijiyay hal ruux oo dad shacab ah ayaa ku dhintay rasaasta labada dhinac ay isweydaarsadeen waxaana dhaawac uu kasoo gaaray haweenay ku sugneyd suuqa dagaalka uu ka dhacay.
Laamaha amaanka ee labada maamul iyo xubnaha maamulka ah ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan dagaalka maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee goboka Mudug.
Xaalada magaalada ayaa ah mid degen mana jirto cabsi dagaal oo ka jirta magaalada, laakiin waxaa la hadal hayaa dagaalka maanta la dhacay suuqa ku yaala magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Caasimada Online
Xafiiska Mudug
[email protected]