“Haddii Xasan uu ka dhaga adeego siyaasadda Hawiye isagaa og halka uu ku amaan-gali lahaa”

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka socda shirar u dhexeeya Beelaha Hawiye kaasi oo ay uga soo horjeedan Siyaasada Madaxweyne Xassan Sheekh.

Shirarka oo siyaabo kala duwan ay isugu arkayaan Beelaha ayaa waxa uu ka kala socdaa Hoteelada Makka Al-mukarama, Hayat, Naasa hablood iyo SYL.

Odayaasha Beelaha Haweye ayaa si saa’id ah kaga soo horjeeda in Siyaasada dalka ay hogaamiyaan Beelo gaar ah oo ay ugu horeyso Beesha Daarood, waxa ayna dhaliilsan yihiin in Xassan Sheekh uu Siyaasada dalka u gacan galsho Beeshaasi.

Idiriis Xassan Suleymaan oo kamid ah Odayaasha Hawiye islamarkaana qeyb ka ah Shirarka socda ayaa Caasimada Online u sheegay in marnaba aysan kalsooni u qaadi doonin madaxweyne Xassan waxa uuna farta ku goday in Xassan Sheekh uu gabay kalsoonidii ay u hayeen Beelaha Hawiye.

Nabadoon Idiriis Xassan ayaa tilmaamay in Xassan Sheekh sanadkii ugu danbeeyay uu faragalin ku hayay xuquuqda Hawiye, waxa uuna cadeeyay in talaabo waliba ay kula xisaabtami doonaan.

”Waxaa nagu batay sabarka, waxaan kasoo horjeednay inaan faragalin ku sameyno sida uu Xassan Sheekh u daadihinaayo Siyaasada Somalia. Xuquuqdii aan ku laheynay Somalia waxa uu gacanta ugu shubay reero isbaday awood Siyaasadeed”

”Marba haddii uu garan waayay cadaalada iyo sinaanta beelaha anaguna xiligaani wixii ka danbeeya ma garan doono waxa uu isaga garan’waayay, waayo mudada uu xilka hayo waxa uu nagu qancinaayay raali galin wakhtigiina wuu ka dhamaaday isaga oo aan keenin xuquuqdii aan dalka ku laheyn isaga ayaa og halka uu maciin bidi lahaa”

Nabadoon Idiriis Xassan waxa uu carabka ku dhuftay in Xassan Sheekh uu Siyaasada dalka ugu roonaaday Beesha Daarood, waxa uuna tilmaamay in qancinta beeshaasi ay Hawiye ku waayen xilal farabadan oo sharci ahaan iyaga ay lahayen, balse waxa uu ku goodiyay in wakhtiga yar ee ka harsan doorashada ay xisaabtan kula sameyn doonaan xilalka ka maqan.

Idiriis Xassan ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka shirarka socda uu yahay mid ay kaga soo horjeedan Xassan Sheekh, waxa uuna cadeeyay in Beelaha Hawiye aysan muhiim u arag nidaamka 4.5 balse uu yahay mid isaga u gaar ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com