Xog: DF oo yeelatay 2 madaxtoyo oo kala duwan

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia oo la daala dhaceysa Siyaasado is diidan ayaa iminka yeelatay labada Madxatooyo oo mid kamid ah ay leedahay awooda ugu badan ee lagu maamulo Somalia.

Diini Maxamed Diini oo kamid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed una shaqeeya mid kamid ah Ururada Siyaasada ku haga Somalia ayaa sheegay in Jahawareerka ugu badan Somalia uu ka heysto dhanka Villa Somalia iyo Villa Xalane oo ah halka laga hago Siyaasada Somlaia.

Diini ayaa sheegay in xiligaani dalka Somalia uu la daala-dhacaayo Siyaasado maxali ah iyo kuwo ay wataan Dowladaha reer Galbeedka oo iyagu ka howlgala Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Mr Diini waxa uu sheegay in Madaxtooyada ugu weyn dalka ay tahay Xarunta Xalane, halka Madaxtooyada labaadna ay tahay Villa Somalia.

Waxa uu sheegay in DFS aysan dhaqan galinkarin go’aan aan kasoo bixin wakiilada caalamka ka jooga Somalia, sidaana uu ku sheegay in Madxatooyada saxda ah ee Somalia ay tahay Xalane.
Madaxtooyada cusub ee uu ugu magac daray Xalane ayuu sheegay inay tahay tan kaliya ee wada qaska Somalia, waxa uuna carab dhabay in halkaasi laga soo maleego dhamaan dhibaatooyinka iminka heysta Somalia ee salka ku haya dagaalada iyo is naceybka Soomaalida ka dhextaagan.
”Waa arrin muuqata in Siyaasada Somalia laga hago Xalane, waxaan la socnaa in madaxda Soomaalida aysan qaadi karin tallaabo ilaa laga soo fasaxqaato reer galbeedka ku hoyda xarunta xalane, waayo waxaa jira arrimo badan oo aysan la socon shacabka oo aan anagu ognahay, waxaan Soomaalida ku boorinayaa inay ka tashtaan aayahooda oo aysan cid kale ku tashan”
Wuxuu tilmaamay in Dowladaha caalamka ay kasoo horjeedan wanaaga Soomaalida iyo in Somalia ay ka dhalato Dowlad caadil ah oo dadkeeda u adeegta.
”Somalia waxa ay u baahan tahay cadaalad, waayo waxaa muuqda in reer galbeedka iyo Dowladaha kale aysan u jilicsaneyn in Somalia ay hesho Dowlad ka wanaagsan tan iminka jirta, aad ayaan uga xumahay in madaxda Soomaalida ay ku tiigsadaan shacabkii ay xukumi lahaayen, maxaa yeelay Siyaasada Somalia waxaa laga hagaa Xalane oo aan la socno inay isku bedeshay madaxtooyada saxda ah ee Somalia”
Wuxuu sheegay in Villa Somalia ay tahay kaliya goob lagu mashquuliyo madaxda dalka, balse goortii laga doodaayo Siyaasada Somalia dhammaan madaxdu ay isugu tagaan Xalane si looga soo dhaadhiciyo Siyaasada looga baahan yahay inay ku hagaan dalka.
Geesta kale, waxa uu cadeeyay in haddii ay sidaani kusii socto Siyaasada Somalia, gabi ahaan dalka uu gali doono marxalad ka duwan tan iminka ka jirta Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com