C/Weli Sheekh oo ku dhowaaqay go’aan culus.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cabdi-wali Sheekh Axmed oo iminka Siyaasada Somalia banaan joog ka ah, ayaa ka hadlay heerka uu gaarsiisan yahay hamigiisa Siyaasadeed ee sanadka 2016-ka.

Cabdi-wali Sheekh Axmed ayaa sheegay in hadda uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee Somalia, waxa uuna ballanqaaday in isbedel uu ku sameyn doono Siyaasada Somalia, waa haddii loo doorto kursiga Qaranka.

Cabdi-wali ayaa sheegay in rajo weyn uu ka qabo inuu ku guuleysto doorashada la filaayo inay ka dhacdo Somalia, waxa uuna cadeeyay in kalsooni badan uu ka heysto dhinacyo badan oo ka tirsan Siyaasada Somalia.

Wuxuu tilmaamay in xilkii Ra’isul wasaaranimo ee uu u hayay DF Somalia uu ku waayay Khilaafyadii kala dhexeeyay madaxweyne Xassan balse iminka uu u tabaabusheysanaayo sida uu ku qaban lahaa madaxtinimada dalka.

Siyaasada Somalia ayuu sheegay inay tahay mid u baahan sabar, islamarkaana uu yahay mid nasiib wata, hadana uu yahay musharax tijaabinaayo nasiibkiisa.

Umadda Soomaaliyeed ayuu u ballanqaaday inuu ku toosin doono dhabaha Cadaalada, Horumarka, Siyaasad wanaaga iyo inuu la imaan doono Siyaasad ka duwan tan iminka ka taagan Somalia.

Si kastaba ha ahaatee, Cabdi-wali Sheekh Axmed ayaa xilka Ra’isul wasaaranimo ka hayay Somalia muddo 10 bilood ah, waxa uuna ugu danbeyntii xilkiisa ku waayay Khilaaf kala dhexeeyay madaxweyne Xassan Sheekh oo sababay in Xildhibaanada BFS ay codka kalsoonida kala laabteen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com