Sawirro: Puntland oo casuumtay 13 jir fariid ah!!

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta xafiiskiisa magaalada Garowe ku qaabilay wiil yar oo 13 sano jir ah kaasi oo ku dhashay magaalada Buuhoodle , isaga oo sameeyay diyaarad iyo agab kale oo caag uu ka sameeyay.

Guuleed Aadan Cabdi waa wiil da’yar oo jira 13-sanno oo dhigta fasalka saddexaad ee dugsiga, waxa uu ku dhashay Degmada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn halkaas oo uu wax-barashadiisa kasii wato.

Guuleed waxaa uu Madaxweynaha, Madaxweyne ku-xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka hortooda kusoo bandhigay gawaari, iyo Diyaarado uu isagu soo saaray oo maskaxdiisa ka keenay, Gawaarida ayaa isugu jira nooca Xammuulka qaada ee loo yaqaan Waaraadka, Bajaaj, Iska-rogada ciidda iyo dhagaxa gurta, iyo Diyaarad.

Sidoo kale gaadiidkan uu guuleed sameeyey waxaa u dhammaystirnaa dhammaan agabkii looga baahnaa hadday ahaan lahayd Taayirada, kuraastii,layrarkii, dhigihii alaabta lagu xirilaha, Hoonkii, iyo dhammaan wixii uu gaari u baahnaa.

Hoos ka daawo sawirada

1337_1684864688457721_8675537272630785775_n 21477_1684864681791055_3979588773232866874_n 1474379_1684864198457770_1253471309182169934_n 1931382_1684864298457760_5296697573894407329_n 10399635_1684864228457767_1225214275163468737_n 12495176_1684864691791054_6943729434912984478_n