26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Dil iyo Dhaawac ka dhacay Gaalkacyo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gaalkacyo(Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dil ka geysteen suuqa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Sida uu sheegayo wariyaha Caasimada Online ee Gaalkacyo dilka ayaa ka dhacay bartamaha suuqa magaalada Gaalkacyo dhanka maamulka Galmudug, iyadoo kooxaha dilka iyo dhaawaca geystay ay goobta ka baxsadeen.

Kooxaha ayaa la sheegay inay goobtiisa ganacsi ku dileen ruux ganacsade ahaa oo ku sugnaa suuqa, waxaana dhaawacyo ay soo gaareen labo haween ah ooku sugnaa suuqa.

Ciidamada amaanka ayaa la sheegay in dilka ka dib ay gaareen suuqa dhanka maamulka Galmudug, waxaana la sheegayaa inay baaritaano ka sameeyeen goobta dilka uu ka dhacay.

Magaalada Gaalkacyo ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa ka yaraaday dilalkii ka dhici jiray,kadib markii maamulada magaalada ka ariminaya ay sameeyeen ciidamo isku dhaf ah.

Ma jirto cid sheegata dilalka qaar ee ka dhaca magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada kale ee mamulka Puntland.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
[email protected]

 

- Advertisement -

Read more

Local News