Fedaraalka waa xoog & fadarro sidaas waxaa yiri xildhibaan magacweyn leh

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa eedeen culus u jeediyay dowladda Soomaaliya isagoona ku tilmaamay mid dalka u horseeday dhibaato iyo kala qob-qob xagga qabaa’ilka ah.

Wuxuu sheegay dowladda Soomaaliya in ay billowday dalka in ay ka hirgaliyo qaab qabaa’il iyo fitno hor leh oo la rabo in dad gaar ah la faquuqo oo loo diiddo in ay dhistaan waxa ay rabaan.

Xildhibaan Dalxa ayaa xusay in dowladda halkii laga rabay in ay dalka ku hoggaamiso nidaam sharci ay billowday in ay bara-taarto qabiilo goono kuwaasoo raba in ay maamul ka dhistaan deeganno aaney deggin.

“Fedaraalka waa xoog, waa fitno waana mid la rabo in lagu xoogo dad dhulkiisa” ayuu yiri Prof Dalxa.

Mar uu ka hadlaayay doorka dowladda ee ku aadan hirgalinta nidaamka fedaraalka, wuxuu tilmaamay in qaabka ay wax u socdaan lagu naas nuujinaayo uun qabaa’ilo gaar ah kuwaasoo la rabo in maamulo loogu sameeyo.

Wuxuu dowladda ku eedeeyay in mas’uul ka tahay maamulada is-garab ordaya ee la dhisaayo kuwaasoo muran badan dhaliyay.

Xildhibaankan ayaa sheegay in dowladda ay mas’uul ka tahay dagaallada ka socda gobalka Shabeellaha Hoose kuwaasoo ay ku lug lee yihiin qabaa’ilo ka soo duulay deeganno ka tirsan gobalada dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com