Meydadka Somali laga helay NAIROBI

Nairobo(Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in meydadka seddex ruux oo Soomaali ah laga helay goob lagu keydiyo meydadka oo ku taala magaaladaasi.

Meydadka dadka Soomaalida oo laga helay xarunta dambi baarista dalka kenya ee CID ayaa waxaa kamid ah ruux magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cabdi kaasi oo laga kaxeeyay dukaan uu ku lahaa xaafada Islii ee dalka Kenya.

Wararka ayaa sheegaya in dadka kale ee Soomaalida ah ee meydkooda la helay in iyagana laga dilanayay hanti ganacsi oo ay ku lahaayeen goobo kala duwan oo ku taala dalka Kenya.

Xildhibaan Yuusuf Xasan oo kamid ah baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in meydadkaasi jirkooda uu ka muuqday in ceeji lagu dilay oo aan loo adeegsan wax rasaas ah, sida uu sheegay.

Wuxuuna sheegay in dilkooda uu salka ku hayo hanti ay leeyihiin oo la dhacayay, isagoo sheegay in hantidaasi ay u taalay bangiyo kala duwan oo ku yaala magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa ka dalbaday dowlada Kenya inay sameyso baaritaano lagu xaqiijinayo dadkii ka dambeeyay falkaasi loo geystay dadka Soomaaliyeed.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Kenya
Caasimada@live.com