Qorshah isku dirka beelaha ee C/Weli & Xasan Sheikh (Xildhibaan sir hadlay)

Muqdisho(Caasimada Online) – Gudiga arimaha gudaha iyo maamul u sameynta baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhaliilo u jeediyay madaxda dalka Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha dalka Soomaaliya iyo ra’iisul wasaare Cabdi Welli.

Daahir Amiin Jeesow, oo kamid ah xubnaha gudigaasi oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in aqoonsiga dowlada Soomaaliya ee maamulka koofur galbeed uu yahay mid iska horkeenaya ummada Soomaaliyeed.

Xildhibaanka ayaa sheegay in dhankood aysan ku qanacsaneyn aqoonsiga dowlada Soomaaliya iyo gudiga farsamada ee dhawaan dowlada Soomaaliya ay u xilsaartan arimaha gobolada koofur galbeed Soomaaliya.

Wuxuu sidoo kale sheegay in madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan isku dirka shacabka Soomaaliyeed, kadib markii ay sii kordheen shirarka kala duwan ee ka dhacaya magaalada Muqdisho.

“Waxaan hadda ay la cararayaan gudiga, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waa dhib Soomaali kow u ah, waxaan la yaabanahay ayaa ah nin masuul ah oo ummadii uu masuulka ka ahaa isku diraya, waana hubnaa in dadka uu isku dirayaan madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha”ayuu yiri.

Dhanka kale Daahir Amiin Jeesow, ayaa sheegay in sharci daro ay tahay dhismaha maamulka koofur galbeed Soomaaliya oo siyaasiyiintooda aysan ku qanacsaneyn sida ay wax u socdaan.

“Sharci daro ayaa lagu dhisayaa maamulka koofur galbeed, sharci daradaasi waxay iska kooneysaa siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda, sharciga wuxuu dhigayaa in labo gobol iyo waxii ka badan inay israaci karaan”.

Maalintii shalay waxgaradka beelaha Hawiye ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay kaga soo horjeesteen aqoonsiga dowlada Soomaaliya iyo magacaabidii gudiga farsamada ee maamul u sameynta gobolada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com