25.2 C
Mogadishu
Saturday, October 25, 2025

Faah-faahin: Dil toogasho oo ka dhacay HARGEYSA

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay xerada Ciidamada birmadka ee magaalada Hargeysa, kaasi oo loo geystay Askari ka tirsan Ciidamada birmadka Somaliland.

Dilkan ayaa waxa geystay Askari ay ka wada howl-galayeen xerada Birmadka, oo magaciisa lagu koobay Caateeye, kadib markii ay is af-dhaafeen Askariga kale ee uu toogtay oo isaguna lagu magacaabo Cabdinaasir Axmed Aadan.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in ciidamadu ay gacanta ku soo dhigeen oo xabsiga u taxaaben Askarigii dilka fuliyay, isaga oo aan weli ka baxsan xerada uu dilka ka geystay.

Askarigan dilka fuliyay ayaa hayb ahaan kasoo jeeda gobolka Awdal, oo dhowaan gobolada bariga looga dilay labo sarkaal oo ka tirsanaa ciidamada Somaliland, halka uu Askariga uu toogtayna uu kasoo jeeday gobolka Sanaag.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Amaanka iyo Xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan dilkan ka dhacay xerada ciidamada birmadka.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. 

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News