Xog: Sababtii uu isku dilay sarkaal Cabdi Cali Seed iyo wixii dhex-maray isaga iyo Jeneral Bashiir Ameeriko

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Cali Seed, waxaa uu ka mid ahaa sargaal ka tirsan Ciidamada Booliiska, waxaa uu horay ahaa Taliyaha xerada uu maanta isku dilay ee lagu magacaabo Sheelare.

Sababta ka dambeysay inuu is dilo ayay ilo xog ogaal ah noogu sheegeen, in ay is qabteen Taliyaha Ciidamada Booliiska Generaal Bashiir Ameeriko, kadib markii uu ka qaaday xilkii Taliyanimo ee xerada Sheelare.

Marxuum Cabdi Cali Seed waxaa uu degganaa isla xerada oo u aheyd halka uu deegaan ahaan si rasmi ah u degganaa, xilka qaadistii lagu sameeyay kadib ayaa amar kasoo baxay Xafiiska Taliyaha Booliiska lagu wargaliyay marxuumka inuu ka guuro xerada.

Cabdi Cali Seed waxaa uu ku dooday sida ay xaqiijiyeen ilo si dhaw ula socday doodaasi, inuu Taliyaha Booliiska u sheegay in aanu haysan meel uu dego, isla markaana ay ii dheer tahay buu yiri “inaan ahay Sargaal xaq u leh inuu helo deegaan uu dego maadaama aanan haysan ilaalo amnigayga sugta.

Taliyaha Booliiska ayaa xalay amar ku bixiyay sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiil si dhaw ula socotay arrintaasi in xabsi loo taxaabo Cabdi Cali Seed.

Subaxnimadii hore ee maanta ayaa la sheegay in Marxuumka inta aaney soo gaarin goobta uu joogay saraakiishii amarka ka haysatay Taliyaha Booliiska, ayuu go’aansaday inuu Is dilo, waxaa uu sheegay inta la xukumi lahaa inuu isagu isxukumayo kadibna uu is marjiyay.

Haddaba sida ay arrintan u dhacday waxaa ka sheekeysay xaaskiisa Deeqa Axmed Xassan.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com