Sawiro: Dab caawa ka kacay suuq ku yaalla Hargaysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Waxa dab ka kacay xalay qaybo ka mida suuqa gobanimo ee Magaalada Hargeysa, gaar ahaan Bakhaaro ku yaalla qaybo ka mida Xusbiga, kuwaasoo ay ku kaydsanayeen khudaarta noocyadeeda kala duwan.

Ciidanka Dab-demiska ayaa damiyay dabkaas, sidoo kalena ku guuleystay inay ka xakameeyaan inuu ku fido dabkaasi meheradaha kale ee ku yaalla suuqaas.

Dhanka kale, waxaa iyadana ciidanku badbaadiyay hanti badan oo dhex taallay suuqa, kuwaasi oo ay lahaayeen dad danyara. Sababta dabkan dhalisay ayaa ilaa hadda la garanayn.

Ma jirin khasaare Nafeed oo ka dhashay dabkaas. Laamaha Amaanka caasimada, Maamulka Degmada iyo shirkadaha korontada ayaa iyaguna hawlgalkaa kala qayb qaatay ciidanka Dab-demiska.

Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Somaliland Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa hawlgalkaa hogaaminayay waxaa iyaguna hawlgalka qayb ka ahaa Taliye xigeenka ciidanka Dab-demiska Cabdixamiid Faarax Iidle, Agaasimaha Fulinta Cabdiqaadir Cumar Xaashi, Saraakiisha, Saraakiil xigeenada iyo dhamaan Ciidanka Dab-demiska Degmooyinka Caasimada Hargeysa.

Suuqa gobanimo ayaa tiraba dhawr jeer oo hore gubtay, iyadoo sannadkan ay noqonayso markii koowaad, waxaana intaba ciidanka dabdemisku ka hawlgaleen daminta dababkii ka kacay suuqaas.

Halkan ka daawo wararkii maanta oo muuqaal ah. 

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com