Faah-faahin: Dil toogasho oo ka dhacay HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa, kaasi oo loo geystay Askari ka tirsan Ciidamada Somaliland.

Dilkan ayaa waxa geystay Askari ka tirsan ciidamada Somaliland oo magaciisa lagu koobay Dacar, kadib markii ay rasaas isku fureen Askariga kale ee uu toogtay oo isaguna lagu magacaabo Ina Daadays.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya in degmada Maxamed Mooge ay is rasaaseyntu ku dhex-martay labadan Askari, halkaasi oo dhawaac culus ka soo gaaray Askariga geeriyooday.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Askariga dilka fuliyay uu ka baxsaday goobta uu falkaasi ka dhacay, halka maydka askariga geeriyoodayna la geeyey cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Ilaa iyo hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Ciidamada Amaanka iyo Xukuumada Muuse Biixi oo ku aadan dilkan ka dhacay degmada Maxamed Mooge ee magaalada Hargeysa.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com