Dooni ganacsi oo ku degtay Sh/Dhexe

Jowhar (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay ku soo caarisay dooni ganacsi oo ka timid magaalada Muqdisho.

Doonta ayaa la sheegay in ay ku soo caarisay meel 120km u jirta waqooyi-bari magaalada Muqdisho oo u dhexeysa Warsheekh iyo Cadalle.

Doonta ayaa la sheegay in ay ku timid cilad mana cadda xamuulka saaraan tankiisu, sidoo kale ma cadda xaalada ay ku sugan yihiin shaqaalihii la socday doonta soo caarisay.

Dadka deeganka ayaa sheegay in ay arkeen dooni ay ka buuxaan badeecado oo soo caarisay balse ma caddeen karaan waxa ka dhacay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobalka Shabeellaha Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com