Dagaal ka socda duleedka Beledweyn

Beledweyne(Caasimada Online)- Wararka aan iminka ka helayno duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal qabaa’ileed.

Dagaalkaasi ayaa lasheegayaa inuu u dhaxeeyo labo maleeshiyo beeleed oo wada daga deegaanka dagaalka uu ka dhacayo, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Deegaanka Deefoow ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacayo iminka dagaalkaasi oo mid u dhanka qabaa’ilka ku saleysan.

Sida uu sheegayo wariyaha Caasimada Online ee gobolka Hiiraan dagaalka ayaa inta la og yahay wuxuu geystay qasaaro dhimasho ah oo gaareysa shan ruux oo dhinacyada dagaalamaya ah.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii labada maleeshiyo ay isku qabteen dhul daaqsimeed, sida la sheegay.

Ma jiro wax war ah ookasoo baxay dhanka maamulka gobolka Hiiraan oo ay kaga hadlayaan dagaalka saaka ka bilowday duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

La soco waxii kusoo kordha Insha Allah

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com