Daawacyo dagaal oo Xamar la keenay

Muqdisho (Caasimada Online) – Inta la ogyahay 20 ruux ayaa ku dhintay dagaal saakay waaberigii ka qarxay deegan u dhow magaalada Beledweyne ee xurunta gobalka Hiiraan.

Qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalka ka socda deeganka Deefow ee u dhow magaalada Beledweyne ayaa loo soo qaaday magaalada Muqdisho si loogu daweeyo maadama la waayay dhakhaatiir lafaha qaabilsan siddaas waxaa sheegay agaasimaha Isbitaalka weyn ee magaalada Baladweyn.

Dagaalladan ayaa daba socda dilal iyo deeganno dhawaan la gubay kuwaasoo aaney jirin cid wax ka qabatay.

Xabada waa ay istaagtay balse waxaa laga dareemayaa deeganka Deefow dhiilo colaadeed siddaas waxaa ku soo warramay dadka deeganka.

Odayaadha dhaqanka gobalka Hiiraan ayaa ku baaqay in dagaalka la joojiyo.

Maamulka gobalka Hiiraan ayaan ilaa hadda ka hadlin dagaalka waaberigii saakay ka dhacay deeganka Deefow ee gobalka Hiiraan.

Si kastana, dagaalalda oo ah kuwa soo laal-laabtay ayaa la sheegay in maamulkii hore ee gobalak iyo wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo dhowr jeer isku dayay in la damiyo ayaa u muuqata in dedaalkooda uu guul darreestay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com