XOG: TAABIT oo xilkii Villa Soomaaliya ku waayey warqaddii GUULLED (ARAG)

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online, ayaa muujineysa in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu shaqadii ka eryey agaasimihii guud ee madaxtooyada Taabit Cabdi.

Xubno ku dhow madaxtooyada, ayaa Caasimada Online u sheegay in Taabit xilka looga qaaday sababo la xiriira inuu warbaahinta siiyey warqaddii Cabdikariin Guuleed loogu magacaabay xilka la-taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweyne Xasan Sheekh.

Caasimada Online, oo warqaddaasi sirta ahayd soo bandhigtay, waxa ay xaqiijin kartaa inaysan ka helin Taabit Cabdi, balse ay soo gaarsiiyeen xubno kale oo ku sugan Villa Somalia.

Xil ka qaadista Taabit, ayaa sida la sheegay waxaa amray Faarax Cabdulqaadir, oo ka carrooday sirta isaga iyo madaxweynaha ka fakatay.

Magacaabista Guuleed, ayaa ahayd mid sir ah, oo la doonayey in shacabka laga qariyo maadaama fikrad xun ay ka haystaan Guuleed.

Taabit, ayaa xilkaasi hayey wax ka yar un sanad, kadib markii uu beddelay Kamaal Guutaale, oo isna xilka laga qaaday, kadib markii ay bateen ashtakooyinka ka dhanka ah.

Taabita Cabdi, ayaa qaba gabar ay dhashay madaxweyne Xasan Sheekh walaashiis.

Halkan hoose ka arag warqaddii ay faafisay Caasimada Online

magacaabis guuleed

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com